Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in banaanbaxyo waaweyn ay ka dhacaan degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan, kaas oo looga soo horjeedo arrimaha doorashooyinka Hir-Shabeelle.
Meelaha ay banaanbaxyada ka dhacayaan ayaa waxaa kamid ah Magaalooyinka, Beledweyne, Buulo-burde, Jalalaqsi, Maxaas, Feer Feer Iyo Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Mid kamid ah dadka qaban qaabiyaya banaanbaxa ayaa sheegay in uu yahay mid nabadeed, isla markaana looga soo horjeedo dhismaha cusub ee maamul Goboleedka Hirshabelle.
Dadka ku nool gobolka Hiiraan ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay muujinayeen walaac ay ka qabaan isbedel lagu sameeyay hanaankii awood qeybsiga Hir-Shabeelle lagu dhisay, xilli ay soo baxayeen warar sheegaya in xilka Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Afartii sano ee la soo dhaafay ay soo qabteen Madaxweynayaal kaso jeeda gobolka Hiiraan loo soo wareejinayo dhanka Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Maalin ka hor Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Coosble oo ka hadlayay shir ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in haidi aan wax lag bedelin habka lagu wado dhismaha Hir-Shabeelle ay maamul hir-Shabeelle ah ka dhisanayaan Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.
Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Beledweyne gaaraan Siyaasiyiin Odayaal Ganacsato iyo waxgarad ka tagaya Magaalada Muqdisho kuwaasi oo la sheegay in ay ka Shaqeyn doonaan dhismaha Maamul la Magac baxay Hiiraan State.