Baarlamaanka Galmudug oo Maanta ansixiyay Sharci muhiim ah

0
434

Xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug oo Maanta kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Sharciga dhismaha ciidamada Booliska Galmudug..

Sharcigaan ayaa waxaa Baarlamaanka Galmudug u gudbiyay Wasaaradda Amniga Galmudug, waxaana ay uga mahad celisay sharcigaan oo lagu dhisayo Ciidamo boolis ah oo suga amniga degaannada Galmudug.

“Wasaaradda Amniga Gudaha Galmudug waxay u mahadcelinaysaa Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal, Guddiga Amniga iyo Xuduudaha iyo xildhibaanada Barlamaanka Galmudug oo maanta si aqlabiyad ah ku ansixiyey Sharciga dhismaha ciidamada Booliska Galmudug ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Wasaaradda Amniga Maamulkaas.

13-kii Bishaan ayaa Wasaaradda Amniga Galmudug ay Baarlamanka u gudbisay Sharciga dhismaha Ciidamada Booliska Galmudug  si loo helo Ciidamo boolis ah oo Galmudug gaar u leedahay kana qeyb qaata sugida amniga degaannada Galmudug.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here