Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa shaacisa in la xaliyay cillad farsamo oo ku timid adeegga internetka ee gobolka Koofureed ee dalka Soomaalya.
War Saxaafadeed ay soo saartay shirkadda Hormuud ayaa waxa ay ka raaligelisay macaamiisheeda culeyskii ka jirey adeegga internetka.
Waxaa si buuxda dib ugu soo laabtay internet-kii ka go’onaa Koofurta iyo Bartamaha Somalia, kadib markii la cillad bixiyey xarigga Internet-ka ee Shirkadda Dalcom oo dhowrkii cisho ee lasoo dhaafay ciladeysnaa.
Dalcom waa shirkadda iska leh xarigga Fiber-ka ee Dalka keena Internet-ka.
Halkan ka aqriso war saxaafadeedka ay soo saartay Shirkadda Hormuud