Kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka KG oo Maanta furmaya & Madax ka qeyb-galeysa

0
366

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Isniin ah lagu qabto munaasabad lagu furayo kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb-geli doona madax uu kamid yahay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari & wufuud kala duwan oo ka kala socda Maamul Goboleedyada.

Mas’uuliyiinta ka qeyb-galeysa munaasabadda fritaanka kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay halkaasi ka jeedin doonaan khudbado kala duwan oo ay kaga hadlayaan xaalada dalka.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa la filayaa in munaasabadda uu khudbad ka jeediyo, taas oo uu uga hadli doono xaalada siyaasadeed ee dalka iyo xaaladaha kajira degaannada Koonfur Galbeed.

Ammaanka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Maanta aad loo adkeeyay, iyada oo agagaarka Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed lagu arkayaa Ciidamada Dowladda & kuwa Maamulka Koonfur Galbeed oo Amniga xaqiijinaya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here