MUSIIBO: PSG Oo Musiibo Dhaawacyo Ah Dhexda Kaga Jirta & Magacyada Xiddigaha Ka Maqnaanaya Kulanka Man United

0
565

Kooxda ree France ee Paris Saint-Germain ayay haysataa dhibaato dhaawacyo ahi kahor kulanka muhiimka ah ee ay UEFA Champions League soo dhawayn doonaan dhigooda ree England ee Manchester United kulankooda furitaanka wareega Group-yada.

Kooxda difaacanaysa horyaalka Ligue 1 ayay ka maqnaan karaan ilaa siddeed ciyaaryahan, waxa dhaawacan Mauro Icardo, Julian Draxler iyo kabtan Marquinhos halka sidoo kale caabuqa Korona uu saamayn ku yeeshay ciyaaryahano kale.

PSG ayaa gaadhay Final-ka Champions League xilli ciyaareedkii hore iyagoo Bayern Munich u waayay koobka halka doorkan Group adag la geliyay iyagoo la wadaagi doona United, Red Bull Leipzig iyo kooxda horyaalka Turkey-ga sidata ee Istanbul Basaksehir.

Advertisements

Tuchel oo ka hadlay shirkiisa jaraa’id ee kahor kulankooda horyaalka ee toddobaadkan ayaa ku dooday inuu kaliya 11 ciyaaryahan oo taam ah u haysan karo kulanka ay Man United kahor tagayaan Salaasada.

Macalinka ree Germany ayaa yidhi “Waa inaanu qaadno masuuliyada Neymar iyo Kylian (Mbappe) kaas oo dhammaan 90-kii daqiiqo shalay (Doraad) ciyaaray iyo ciyaartoyda South Americans-ka oo masaafo dheer safray”

“Malaha waxaanu haysan doonaa 11, 12 ama 13 ciyaaryahan oo diyaar ah, waxyar oo nasiib xumo ah ayaa na haysa, Draxler iyo Marquinhos ayuu shaki ku jiraa sidoo kale kulanka Manchester”

“Colin Dagba waxa laga helay Korona Fayras isaga oo xiddigaha 21 sano jirada ka yar la jooga, haddii laga waayo xanuunka baadhitaanada kale wuxuu kusoo noqon karaa kooxda”

“Kehrer dhawr toddobaad ayuu maqnaanayaa, Bernat iyo Icardo way dhaawacan yihiin, Icardi waxa uu dhaawacmay toddobaad kahor, waa carjaw jilibka gudihiisa ah, aad uma halis aha balse waxa uu maqnaan doonaa kulamada Nimes iyo Manchester”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here