Faa Faahin Dagaal ka dhacay G/Jubbada hoose

0
343

Dagaalka ayaa waxaa uu degaanka Taabta ee duleedka degmada Dhoobleey Gobolka Jubbada Hoose uu ku dhex-maray Ciidamada Kenya oo kamid ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii sida la sheegay ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen saldhiga Ciidamada Kenya ee degaanka Taabta, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal geystay khasaro kala duwan.

Dadka degaanka Taabta ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku ridayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaroa ka dhashay dagaalka, hayeeshee aysan weli si rasmi ah u cadeyn Karin.

Weerarka, kaddib ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in Ciidamada Kenya ay howlgal ka sameeyeen hareeraha degaanka taabta ee degmada Dhoobleey, iyaga oo baadi goobayay Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaaday.

Dagaalkaan ka dhacay degaanka Taabta ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli habeen ka hor Al-Shabaab ay weerareen degaanka hoosingoow oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland & Ciidamada Kenya oo ka tirsan AMISOM.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here