Dowlada Thailand oo Kudhawaaqday Amar Lagu Joojinayo Mudaharaadyada

0
449

Dowlada Thailand ayaa ku dhawaaqday amar deg deg ah si loo joojiyo banaanbaxyada inta badan nabada ka dhacayay Bangkok, oo ay kujirto mamnuucida kulamada waaweyn.

Warka telefishanka laga sii daayay oo boolisku akhriyay waxay ku sheegtay in loo baahan yahay tallaabooyin deg deg ah si “loo ilaaliyo nabadda iyo kala dambeynta”.

Subaxnimadii Khamiista BBC waxay ogaatay booliska inay xireen seddex hogaamiye oo mudaaharaadayaal muhiim ah.

Dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadda ee ardaydu hoggaamineyso ayaa ugu baaqay ra’iisul wasaaraha inuu is casilo oo uu xakameeyo awoodaha boqorka.

Subaxaas kadib BBC-da ayaa ogaatay in booliisku ay xireen seddex hogaamiye oo mudaaharaadayaal muhiim ah – qareenka xuquuqul insaanka Anon Nampa, u dhaqdhaqaaqaha ardayda Parit Chiwarak, oo si weyn loogu yaqaan naaneyskiisa “Penguin” iyo Panusaya Sithijirawattanakul. Booliska Thailand wali ma xaqiijin magacyada dadka la qabtay.

Mr Anon, oo 36 jir ah, ayaa ahaa qofkii ugu horeeyay ee si cad u jebiya tabinta ku saabsan ka hadalka boqortooyada asagoo ku baaqay dib u habeyn bishii Ogosto. Ms Panusaya waxay noqotay mid kamid ah wajiyadii ugu caansanaa ee mudaaharaadka tan iyo markii ay gudbisay 10-qodob oo ay ku baaqeyso in dib u habeyn lagu sameeyo boqortooyada dabayaaqada bishaas.

Labada ninba waxaa horay loogu xiray falalkii mudaaharaadka ee ardaygu horseedka ka ahaa ee ka dhacay Bangkok tan iyo markii ay xoogeysatay bishii Luulyo. Ms Panusaya oo 21 jir ah lama xirin ilaa iyo hada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here