Ciidamo loo tababaray Galmudug oo Gadood uga baxay Dhuusamareeb

0
520

 

Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Dowlad goboleedka Galmudug oo xalay ka gadooday xero ay ku jireen oo ku taalla Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay Maanta gaareeb Dagmada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamadaan oo sida la sheegay wata Shan Gaari oo kuwa dagaalaka ah ayaa waxaa la sheegay in uu gadoodkooda salka ku haayo khilaaf u dhaxeeya Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi & Xildhibaanada laga soo doorto Magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada ka gadooday xero ay ku sugnaayeen oo ku taalal magaalada dhuusamareeb ayaa waxaa ay kamid ahaayeen maleeshiyo Beeleedyadaii horay ugu sugnaa Magaalada Gaalkacyo, balse Wasaaradda Amniga Galmudug ay tababartay, iyaga oo noqday dufcadii ugu horeeysay ee Ciidamada daraawiishta Galmudug.

Wararka laga helayo Dagmada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan inay halkaasi ku wajahan yihiin Xildhibaan Yoonis Shaare oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug iyo Qar kamid ah Odayaal Dhaqameedyada gobolka Mudug si arrintaasi xal looga gaaro.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here