Qaramada Midoobay Oo War Kasoo Saartay Xasuuqii 14-Ka Octoober

0
430

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliy James Swan ayaa ka hadlay maalinta 14-ka Octoober oo ah markii uu Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho saddex sanno kahor uu ka dhacay qarax musiibo ahaa oo  dad badan ay ku dhinteen.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa waxaa inay Maanta xusayaa dadkii shacabka ahaa ee ku naf-waayay xasuuqii ka dhacay Isgoyska Soobe sanadkii 2017, iyagoona sheegay inay garab taagan yihiin dhammaan dadka Soomaaliyeed.

James Swan ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay diirada saareyso mustaqbalka iyo in la sii wado amba-qaadista horumarka ku aaddan nabadda, dowlad wanaagga iyo barwaaqo ku-soo-dabbaalidda dalka. Sidoo kale James ayaa tilmaamay in qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee Isgoyska Soobe ka dhacay 14kii Oktoobar 2017  aysan iloobi doonin, isagoona xusay inay murugada la qaybsanayaan qoysaska dadkii naftooda ku waayay iyo dadkii ka badbaaday.

“Bahda Qaramada Midoobay, oo la jirta dadka Soomaaliyeed, waxay diiradda saaraysaa mustaqbalka iyo in la sii wado amba-qaadista horumarka ku aaddan nabadda, dowlad wanaagga, iyo barwaaqo ku-soo-dabbaalidda [dalka]”. Horumarkii lagu tallaabsaday laga soo billaabo 2017kii wuxuu ka turjumayaa adkeysiga dadka Soomaaliyeed iyo rabitaankooda ku aaddan mustaqbal wanaagsan inkastoo ay jirto dhibaatada xagjirnimada gacan-ka-hadalka leh. Si kastaba ha ahaatee, arxan-darradii waxashinimada ahayd ee weerarkii 14kii Oktoobar 2017 lama iloobin, waxaana murugada la qaybsanaynaa qoysaska dadkii naftooda ku waayay, iyo sidoo kale dadkii ka badbaaday,” ayuu yiri James Swan.

Qaraxaas oo ahaa mid musiibo ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 587 qof, wuxuuna ahaa weerarkii argagaxiso ee ugu dhimashada badnaa ee abid ka dhaca Afrika oo loo adeegsaday walxaha qarxa ee macmalka ah (IEDs), ayna ku dhaawacmeen boqolaal qof kale, sidoo kalena ay ku burburtay hanti farabadan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here