Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee baarlamaanka Galmudug?

0
402

Golaha Baarlamaanka Galmudug  ayaa fadhigoodi maanta oo Salaasa ah isugi yimid, iyada oo kooramka Golaha uu ahaa 53 Xildhibaan, waxaana shir-gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal

Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaay

  1. Bandhiga & Akhrinta Koowaad ee Hindise-Sharciyeedka dhismaha Ciidanka Booliska Galmudug.
  2. Akhrinta 2aad Hindise-Sharciyeedka Maareynta Deegaanka Galmudug.

Wasiirka wasaaradda Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa Xildhibaanada waxa uu ka hor aqriyay Hindise-Sharciyeedka dhismaha Ciidanka Booliska Galmudug, wasiirka ayaa sheegay in sharcigaan meel marintiisa uu muhiim u yahay in Dowlad Goboleedka Galmudug dhanka amniga isku filnaasho ka gaaro

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa Waxaa loo qeybiyay Hindise-Sharciyeedka dhismaha Ciidanka Booliska Galmudug,Sharcigaan ayaa Xildhibaanada waxay kusoo sameyn doonaan dib u eegis kadib si-ay u meel mariyeen

Dhan kale Xildhibaanada ayaa maanta ka dooday Akhrinta 2aad Hindise-Sharciyeedka Maareynta Deegaanka Galmudug oo ay horay Baarlamaanka ugu soo gudbisay wasaarasa Bay,ada

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here