Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal barqanimadii Maanta ka dhacay qeyb kamid ah degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, kaasi oo dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Goobjoogayaal la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dagaalkii dhexmaray Ciidamada dowladda uu sigaar ah uga dhacay halka loo yaqaano Xaawa-Casir ee Kaaraan, waxaana dagaalka uu ku salka ku hayaa arrimo la xiriira dhul ku yaalla halkaas.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaa inoo xaqiijiyay in dagaalka oo socday muddo kooban uu geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo goobta ka Agdhawaa
Hal Canug oo baalashele ahaa ayaa ku geeriyooday dagaalka, halka qof kalena dhaawac uu soo gaaray, sida uu Warbaahinta u sheegay qof ku sugnaa agagaarka Xaawa-Casir ee degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Xaaladda Xaawa-Casir ayaa haatan ah mid degan, waxaana Ciidamada dagaalamay oo ka wada tirsan Milateriga dowladda ay isku heystaan dhul ku yaalla deegaankaas, welina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga oo ku aadan dagaalka.
Ciidamada dowladd Federaalka ayaa waxaa xiliyada qaarkood gudaha Magaalada Muqdisho ku dhexmara dagaalo geystay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac, iyagoona inta badan isku qabsada dhulal Caasimadda dalka ee Muqdisho ku yaalla.