Waxaa Magaladda Muqdisho kulan ku yeeshay Sii hayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya Amb Axmed Ciise Cawad Iyo Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.
Labada masuul ayaa kawada hadlay iskaashiga qaramada midoobay iyo Soomaaliya iyo sidoo kale arrimaha xaalada gobolka.
Amb Axmed Ciise Cawad Sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ahaa ayaana warbixin ka siiyay ergayga qaramada midoobay ee Soomaaliya, james swan hormarka ay dowladda Soomaaliya ka gaartay arrimaha aMmaanka xiriirka caalamiga aha ee saaxibada caalamka ,dhaqaalaha iyo dib ukabashada dalka
“Ergayga qaramada midoobay ee soomaaliya, james swan, waxa sharaf u ahayd in uu la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka, Axmed Ciise Cawad, si ay u falanqeeyaan arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga qaramada midoobay, arrimaha qaranka mudnaanta u ah iyo xaaladaha gobolka ka jira.
Qaramada Midoobay ayaaa Soomaaliya waxaa ay siisaa taageero dhinacyada Amniga iyo Arrimaha Bani’aadanimada, waxaana sanad walba ay sheegtaa inay kordhineyso taageerada ay siiso Soomaaliya.