Markabkii Turkiga ee Ku Sugnaa Bartamaha Giriiga oo ku soo laabtay Badda Mediterraneanka

0
433

Ciidamada Badda ee Turkiga ayaa sheegay in markab cilmi baaris ah oo joogay Bartamaha, Isla Markaana muranka xuquuqda tamarta ee kala dhexeeya Dowladda  Giriiga ayaa dib loogu celin doono biyaha lagu muransan yahay ee Badda Mediterranean.

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay bishii Ogosto markii markabka loo diray sahaminta aag ay sheegteen Dowladaha Giriigga, Turkiga iyo Qubrus.

Turkiga ayaa dib ula laabtay markabkeedii Oruc Reis bishii Sebtember ka hor isku dayo diblomaasiyadeed oo lagu xallinayo khilaafka.

Dowladda Turkiga ayaa haatan waxay sheegtay in markabku uu mar kale 10 maalmood ku qaadan doono baaritaanka dhul gariirka bariga Mediterranean.

Markabka waxaa sidoo kale wehlinaya labo markab oo kale, Ataman iyo Cengiz Han.

Dowladaha Giriiga iyo Turkiga labaduba waxa ay xubno ka yihiin Ururka Gashaanbuurta NATO, laakiin waxay leeyihiin taariikh la xiriirta  khilaafaadka xuduudaha iyo sheegashooyinka ku saabsan xuquuqda badaha.

Murankan gaarka ahi wuxuu ka dhashay markii Dowladda Turkigu geeyay markabkii wax baarayay dhulgariirkii iyo maraakiibtii dagaalka ee lagu muransanaa biyaha 10kii Ogos.

Markabka Oruc Reis, iyo sidoo kale labo markab oo caawiyayaal ah, ayaa loo diray inay raadiyaan saliid iyo gaas aad u badan oo hodan ku ah koonfurta jasiiradda Giriig ee Kastellorizo.

Xilligaas, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Dalka Giriiga ayaa waxay sheegtay in tani ay tahay “koror cusub oo halis ah” oo “banaanka soo dhigtay” doorka xasilloonida ee Turkiga.

Safafka ayaa waxaa lagu arkay Giriigga iyo Turkiga oo dhoolatus cirka iyo badda ah ka wada biyaha u dhexeeya Qubrus iyo jasiiradda Giriigga ee Crete.

Turkiga ayaa aakhirkii dib u jiiday markabkii Oruc Reis xeebta bishii hore, taasoo dhalisay rajo ah in labada qaran ay xalliyaan dhibaatada.

Si kastaba ha noqotee, saraakiishii Turkiga ee xilligaas waxay ku adkeysanayeen in markabka uu ku socdo oo keliya dayactir qorshaysan iyo inuu dib ugu laaban doono badda.

Horaantii bishaan, Midowga Yurub wuxuu ku hanjabay inuu cunaqabateyn saari doono Turkiga hadii uu ku guuldareysto inuu sameeyo waxa ay midowga Yurub ku sheegeen qoditaanka sharci darada iyo howlaha sahaminta tamarta ee biyaha ay sheeganayaan Qubrus iyo Griiga.

Turkiga ayaa sheegay in halista cunaqabateynta ay tahay “mid aan wax dhiseyn”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here