Dowladda Brazil oo ku Raadjoogta Mid ka mid ah madaxdii dambiyada ee ugu weyneyd ee Dalkaasi baxsad ku jiro kadib markii xabsiga laga sii daayay

0
442

Mid ka mid ah madaxdii dambiyada ee ugu weyneyd ee Dalkaasi Brazil ayaa baxsad ku jira ka dib markii si kooban xabsiga looga sii daayay maalintii hore.

André Oliveira Macedo, oo sidoo kale loo yaqaan André do Rap, ayaa laga sii daayay xabsi ammaankiisa aad loo ilaaliyo Sabtidii – laakiin go’aankan ayaa laga noqday saacado uun ka dib. Wuu maqnaa tan iyo markaas.

Macedo waa xubin sare oo ka tirsan burcadda fadhigeedu yahay São Paulo First Command of the Capital (PCC), oo awood ku leh xabsiyo ku kala yaal Wadamadda Brazil iyo Paraguay isla markaana tahriibin jireen ‘cocaine’ iyagoo u qaadi jirey Qaaradda Yurub.

Siideyntiisa ayaa ka dhalatay amar muran dhaliyay oo uu riday Garsoore Marco Aurélio Mello, oo ka mid ahaa 11 garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee dalka Brazil.

Xaakimka Mello wuxuu ogolaaday sii deynta Macedo ee xabsiga São Paulo asaga oo ku sababeeyay in waqtiga uu ku qaatay xabsiga oo sugaya maxkamad ay dhaaftay sharciga ugu badan. Waxaa la qabtay bishii Sebtember 2019, tan iyo wixii ka dambeeyayna waa la xiray. Sii deyntiisa kadib, Macedo waxaa lagu amray in uu galo xabsi guri.

Amarkii lagu sii daayay wuxuu ahaa mid muran dhaliyay. Barasaabka gobolka São Paulo Joao Doria ayaa ku tilmaamay “is qancin aan la aqbali karin oo dambiilayaasha”.

Dhowr saacadood gudahood, madaxweynaha Maxkamadda Sare Luiz Fux ayaa hakiyay go’aanka wuxuuna amar ku bixiyay in Macedo dib loo xiro isla markaana si deg deg ah loogu celiyo xabsiga.

Si kastaba ha noqotee, waqtigan mar hore ayuu baxay – iyadoo ay jiraan warar gudaha ah oo soo jeedinaya inuu ka cararay dalka.

Baarayaasha magaalada São Paulo ayaan faahfaahin ka bixin baaritaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here