Dagaal Xoogan oo ka dhacay Gobolka Nugaal

0
70

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal kooban oo Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland iyo rag hubeysan ku dhex-maray Magaalada Burtinle oo ka tirsan Gobolka Nugaal.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii la bilaabay in la burburiyo goobo la sheegay in si sharci darro ah loo dhistay, hayeeshee dadkii deganaa ay diideen,waxaana dagaalka ku geeriyooday laba qof oo mid kamid ah yahay Shacab halka Saddex Ruux oo kale ay ku dhaawacmeen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warameen in Ciidamada ay inta badan burburiyeen goobaha la sheegay in si sharci darro ah loo dhistay, kuwaas oo Maamulka degmada Burtinle uu horay digniin uga soo saaray.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Booliska Magaalada Burtinle ay gacanta ku dhigeen qaar kamid ah dadkii diidanaa burburinta dhismayaasha oo Ciidamada la dagaalamay, kuwaas oo la geeyay Saldhiga Magaalada Burtinle.

Mararka qaar ayay dhacdaa in Goobaha sida sharci darrada ah loo dhistay la burburiyo, hayeeshee ay kasoo horjeestaan dadkii dhistay, taas oo dhalisa dagaal sababa khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here