SAWIRO:- Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya oo howlgallo Kafuliyay Beydhabo

0
88

 

 

Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida Soomaaliya ee ka howlgalla degaannada Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay howlgallo culus ka fuliyeen Gudaha iyo daaafaha Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidamada ayaa howlgalka waxaa ay sigaar ah uga fuliyeen degaanka Maanya-fuulka oo ah halka laga soo galo Magaalada Baydhabo, iyaga oo baaritaano ku sameeynayay Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee soo galaya Magaalada Baydhabo iyo dadka saran.

Sidoo kale Ciidamada ayaa waxaa ay baaritaan ku sameynayeen Garaashyada gaadiidka lagu xareeyo ee Magaalada Baydhabo, iyaga oo baaritaan ku sameynayay gaadiidka dhex-yaalla Garaashyada, si ay uga hortagaan falal lidi ku ah dhinaca Amniga.

Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada Nabdsugida ee howlgalka horkacayay ayaa sheegay in u jeedkooda uu ahaa sugida Amniga maadaama ay soo dhaw yihiin Arrimaha la xiriira doorashooyinka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here