Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday qaar kamid ah Isbitaallada Dowladda, si uu ugu kuurgalo adeegyada caafimaad ee ay u fidiyaan bulshada Soomaaliyeed, maadaama Xukuumaddiisa ay ahmiyad gaar ah u leedahay soo celinta adeegyadii caafimaadka dadweynaha.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in Maamulka Isbitaallada Martiini, Banaadir iyo Yardimeeli ay warbixin faah-faahsan ka siiyeen Ra’iisul Wasaaraha adeegyada caafimaad ee ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed iyo caqabadaha jira ee ay u baahan yihiin in dowladdu ay gacan ka siiso..
Isbitaallada Dowladda ee Martiini iyo Banaadir ayay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho iyo gobollada dalka waxa ay ka helaan adeegyo bilaash ah, wuxuna xusay Ra’iisul Wasaare Rooble in Xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siinayso tayaynta adeegga caafimaad ee laga helo xarumahan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey maamulka iyo dhakhaatiirta shaqada wanaagsan ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed, kuna dhiirigeliyey in dadaalkooda ay sii xoojiyaan.
Ka sokoow booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee Isbitaallada Martiini, Banaadir iyo Yardimeeli ayaa waxaa jirtay in wadooyin dhowr ah loo xiray, isla markaana Shacabka Muqdisho badankood manta ay lugeynayeen, iyaga oo arrintaasi walaac xoogan ka muujiyay.