Maxaa looga hadlay kulanka maanta ee baarlamaanka Galmudug

0
503

Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta yeeshay kalfadhiga 2aad kulankiisa 6aad

Kulanka maanta Baarlamaanka ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa Ajandihiisu ahaay

& Akhrinta Koowaad ee Shuruucda kala ah:
A. Dhismaha Ciidanka Booliska Galmudug.
B. Hay’adaha Samafalka aan Dawliga aheyn.
C. Maareynta Deegaanka Galmudug.
D. Dhismaha Dawladaha Hoose.

Wasiirada kala ah, Wasiirka Bay’da Galmudug Siciid Siyaad Shirwac, Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha iyo Dowlaha hoose Axmed Cusmaan (qooje) iyo Wasiirka Qorsheynta Iyo Maalgashiga Galmudug Cabdinasir Gelle Cilmi, ayaa Wasiir kasta Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug usharaxay Muhiimada Sharcigaan uu leeyahay Galmudug, iyaga oo ka codsaday aqrinta kadib in ay meel mariyaan Sharciyadaan Wasaaraduhu soo diyaariyeen

Xildhibaanada ayaa soo aqrin doona sharciyeed yadaan ay soo diyaariyeen Sadaxdaan Wasaaradood, si markaasi Xildhibaanadu wax kabadal ugu sameeyeen ama u ansixiyaan.’

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here