Meydka Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo laga soo dejiyay Muqdisho

0
111

 

 

Meydka Allaha u naxariistee Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galayr ayaa goordhow la soo dejiyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, ayaa ku sugan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyadoo haatan ay socoto salaadda Janaasada iyo sidoo kale Aaska meydka oo ay ka qeyb qaadanayaan inta badan madaxda dowladda federaalka.

Meydka Marxuum Cali Khaliif ayaa dadka soo dejinayay waxa ay xirnaayeen qalabka loogaga hortago cudurka Covid-19.

Lama oga in baaritaan lagu sameyn doono meydka marxuumka iyadoo saraakiil ka tirsan ismaamulka soomaalida itoobiya ay sheegeen inuu u dhintey cudurka Covid-19.

Gelinkii dambe ee shalay ayaa la filayay in Meydka Marxuum Galeyr la keeno Muqdisho, hayeeshee dib ayaa loo dhigay, xili qoyskiisa ay dalbadeen in baaritaano kale lagu sameeyo geeridiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here