Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed iyo wafdi uu horkacayo ayaa ku sii jeeda magaalada Jowhar iyadoo muddo xileedka xil heyntiisa ay ku eg tahay maanta.
Cismaan Barre Maxamed Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa muddo ka badan shan bilood waxaa uu ku sugnaa magaalada Muqdisho iyadoo baarlamaanka Hirshabelle uusan wax kulan ah yeelan mudadaas.
Wafdiga guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa kamid ah xildhibaanada baarlamanka Hirshabelle oo badankood ku sugan magaalada Muqdisho.
Mudadii uu ka maqnaa caasimada dowlad goboleedka Hirshabelle guddoomiye Cismaan Barre ayaa waxaa lagu diley magaalada Jowhar labo xildhibaan halka xildhibaan saddexaadna lagu diley waddada udhexeysa magaalada Muqdisho iyo Jowhar.
Guddiga farsamada soo xulista baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle ayaa bilaabay shalay howlahooda shaqo iyadoo dhowaan ay soo bandhigeen jadwalka soo xulista baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle.
Hase yeeshee waxaa ka soo horjeestey howsha guddiga farsamada Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle iyadoo uu Madaxweynuhu uu sheegay in dhamaystir lagu sameynayo guddiga farsamada.