Qaar ka mid ah ehelka Allaha u naxariistee Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Khaliif Galayr, ayaa codsaday in dib loo baaro waxa sababay geeridiisa.
Allaha u naxariistee Cali Khaliif Galeyr ayaa shalay la shaaciyay in ku geeriyooday magaalada Jigjiga. Mas’uuliyiinta dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, waxay sheegeen in baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in Cali Khaliif uu u dhintay fayraska korona.
Hasayeeshee ehelkiisa waxa ay ku doodayaan in ay mudan tahay in baaritaan kale la sameeyo.
“Annaga ayaa codsaneyna in naloo baaro. Baaritaanka dambe waxaa lagu sameynayaa meeshii la isla qaata ama meesha loo qaadayo ee lagu aasayo ee macquulka noqota,” ayuu yiri Mukhtaar Xaamud oo ka mid ah ehelka marxuumka.
Mukhtaar wuxuu sheegay in geerida Cali Khaliif loo aaneynayo cunto uu ku xanuunsaday oo aanay rumeysneyn in uu u dhintay cudurka Covid-19.
“Calooshaa laga qabtay, wuu shubmay wuu fuuq baxay. Isaga ayaa inoo sheegay. ‘Cuntadaas is dhaaftay ayaan u maleynayaa sababta xanuunka’, ayuu nagu yiri. Cuntadan maxay sii tahay? xaggee ka cunay? arrintaa ma aanan gelin marka arrin fudud ayaan iska moodeynay markii hore, waxaana is laheyn wuu iska dhammaani.”
“Covid-19 waa naloo sheegay in uu u geeriyooday laakiin anagu arrintaas mid aan aamisanahay ma aha”, ayuu yiri. Wuxuu sidoo kale sheegay Cali Khaliif Galeyr lagu aasi doono magaalada Muqdisho.