Wijnaldum oo ka hadlay xaqiiqada wararka la xiriirinayay kooxda Barcelona

0
536

Ciyaaryahanka khadka dhexe kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum ayaa hoos u dhigay wararka la xiriirinaya inuu u dhaqaaqayo naadiga Barcelona.

Georginio Wijnaldum oo 29 jir ah uu ka mid ahaa bar-tilmaameedyada macalinka kooxda Barcelona ee Ronald Koeman inta lagu gudi jiray suuqii xagaaga, laakiin ciyaaryahanka reer Holladn ayaa sheegay inaysan jirin wax la taaban karo.

Georginio Wijnaldum ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Uma maleynayo in Barcelona ay dhab ka aheyd inay ila saxiixato, haddii kale waxaan aqrin lahaa warar dheeri ah, ama waxaa jiri lahaa dhaq dhaqaaqyo badan”.

“Waxaan la sii joogi doonaa Liverpool, qandaraaskeygu wuxuu soconayaa 10 bilood oo kale, walina arrimuhu way isbadali karaan, marka waan arki doonaa” ayuu hadalkiisa ku soo xiray laacibka reer Holland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here