Goolhayaha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Kepa Arrizabalaga ayaa xaqiijiyay inuu sii wadi doono dagaalka uu ugu jiro inuu hubiyo ka qeyb galkiisa safka koowaad ee kooxda Blues, kaddib markii kooxda reer London ay lasoo saxiixatay goolhayaha reer Senegal Edouard Mendy.
Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa ku dhawaaqday inay dhammaystirtay saxiixa goolhaye Edouard Mendy, kaasoo ay kala soo wareegeen naadiga Rennes, inta lagu gudi jiray siiqii dhawaan la soo xiray ee xagaaga.
Chelsea ayaa raadineysay goolhaye cusub oo ay la soo saxiixato inta lagu guda jiray suuqa kala iibsiga xagaaga, kaddib markii uu lumiyay tababare Frank Lampard kalsoonidii uu ku qabay Kepa Arrizabalaga, maadaama qaladaadkiisa uu soo noqnoqday.
Sida laga soo xigtay shabakada “Sky Sports” Kepa Arrizabalaga ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:
“Waxaan dareemayaa wanaag, waxaana dareemayaa kalsooni, waxaa laga yaabaa in xaaladu aysan aheyn mid wanaagsan, laakiin mararka qaar waxyaabaha sidaan oo kale ah way dhacaan”.
“Waan hubaa inaan beddeli doono heerkeyga, mana qabo dareen ah inaan noqon doono goolhaayaha labaad ee kooxda, sababtoo ah waxaan heysanaa saddex goolhaaye oo heer sare ah”.
“Frank Lampard waa shaqsiga doorta safka kooxda, anagana waa inaan sida ugu fiican u shaqeynaa”.
“Nolosha kubadda cagta waxa ku jira waxyaabo badan oo wanaagsan iyo waxaayo xun, xaalkayguna ma aha sidii sanadkii hore oo kale, waa inaan shaqeeyaa oo aan muujiyaa awooddeyda, haddii aan fursad heli lahaa, waxaan isku dayi doonaa inaan ka faa’iideysto