Hay’adda Samafalka Aadan Cabdulle Cismaan oo deeq Waxbarasho siinaysa dhalinyaro Barakacayaal ah

0
87

 

 

Xarunta samafalka Aadan Cabdulle Cusmaan, oo saldhiggeedu yahay magaalada Mugadishu, ayaa waxa ay ka bilowday magaalada Muqdishu tababarro xirfado farsamada gacanta ah oo wax lagu barayo 200 oo ka mid ah, dhallinyarada ku nool xarumaha barakacayaasha ee magaalda Muqdishu. Sidaasina waxaa shaaca ka qaaday Eng cabdulqaadir Aadan Cabdulle, oo ah agaasimaha hay’adda samafalka Aadan Cabdulle. Eng. Cabdulqaadir, oo faahfaahinayey sida mashruucaan loo fulinayo ayaa waxaa uu sheegay in muddo 10 bilood ah lagu dhamaystirayo mashruuca tababarka dhalinyarada barakacayaasha ah. Waxaa uu intaas raaciyey agaasimaha hay’addu, in hadda tababarkii ugu horeeyey loo bilaabay 60 dhalinyaraa oo labarayo xirfadda harqaanka.

Dhallinyaro kale oo tiradoodu ay gaareyso 40 ayuu caddeeyey agaasimuhu in labaridoono farsamada mobillada gacanta iyo cillad bixintooda wajiga labaad ee mashruucan xirfadbarista.

Sidoo kale wuxuu sheegay Eng. Cabdulqaadir, in 50 dhallinyaro ah iyagana labaridoono farsamada alxanka biraha baabuurta, iyo farsamada najaarnimada.

Sida uu xaqiijiyay Eng Cabdulqaadir, dhamaan tababaradaasi in ay yihiin kuwo bilaash ah isla markaana inta dhamaysata loo abuuri doono goobo ay ku shaqaystaan.

Eng Cabdulqaadir waxa uu sheegay inay Hirgalinta mashruucaan iska kaashadeen maalgalintiisa Bangiga horumarinta Islaamka iyo Hay’adda Samafalka Aadan Cabdulle Cusmaan.

Eng Cabdulqaadir Aadan Cabdulle, oo ah agaasimaha hay’adda Samafalka ayaa waxaa uu uga mahadceliyey bangiga horumarinta Islaamka kaalamada ay u fidiyeen ummadda Soomaaliyeed xilligaan adag, isagoo si gaara hoosta uga xariiqay in aaney ummadda Soomaaliyeed iloobi doonin gargaarkii iyo kaalmadii uu bangiga horumarinta Islaamku lagarabtaagnaa Soomaaliya xilliyadii aadka u adkaa ee Soomaaliya ay soo martay.

Hay’adda samafalka Aadan Cabdulle Cusmaan, ayaa waxaa la asaasay sanadkii 2012 Kii
Waxaana loo asaasay in ay wax ka qabato arrimaha waxbarashada, arrimaha Caafimaadka, Nabadda, wada xaajoodka iyo dowlad wanaagga.

Soomaaliya ayaa waxay ka mid tahay dowladaha asaasay ururka islaamka oo bangiga horumarinta islaamku hoosyimaado, waxaana xilligaas Soomaaliya madaxweyne ka ahaa allaha u naxariistee Aadn Cabdulle Cusmaan, oo ahaa madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya markii ay xornimada qaadatay.

Madaxweyne Aadan Cabdulle, waxa uu xukunka ku wareejiyey Cabdirashiid Cali Sharmaake, allaha u naxariistee kaddib markii uu hal cod oo kaliya kaga helay doorashadii

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here