Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Yareey ayaa sheegtay in dad badan isweedyiinayay maadaama doorasho la galaayo Guddigooda Shaqada ay qabanayaan,waxaana ay sheegtay in Shaqadooda aysan aheyn mid dhamaata.
Waxaa ay sheegtay Guddoomiye Xaliimo Yareey in Shaqadooda ay tahay diiwaangelinta Xisbiyada , sidoo kalena aysan Shaqadooda hakan doonaan, balse kaliya ay ku joojin karaan hadii uu dalka Millateri la wareego oo wax walba meesha laga saaro.
Ugu dambeyn xaliimo Yareey waxaa ay sheegtay in Guddigooda sidoo kale Shaqadooda ay tahay diyaarinta doorashooyin qof iyo Cod ah ee afti dadweyne,isla markaana qorshahaas ay wadaan.
Hadalka Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Yareey ayaa yimid, kadib markkii heshiiskii doorasho ee dhawaan muqdisho lagu gaaray lagu go’aamiyay in la Magacaabo guddiyo kale oo ka Shaqeeya arrimaha doorashada, kuwaas oo la wareegaya Shaqadii Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka.