Faah faahino ayaa laga helayaa dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dagaalyahano ka tirsan oo ka tirsan dhacay duleedka Magaalada Muqdisho.
Dagaalkaas ayaa ka dambeeyay, kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Jaziira duleedka Muqdisho, waxaana dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dad degan meelo ku dhow deegaanka Jaziira ayaa ku warramay inay malayeen dhawaqa rasaasta la isdhaafsanayay, isla markaana dagaalka uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray.
Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda dhinaca qadka ayaa waxaa ay ku sheegteen in weerarkii ka dhacay Jaziira ku dileen Saddex oo ka tirsan Ciidanka dowladda, halka Afar kalena ay ku dhaawaceen.
Sidoo kale Shabaabka ayaa sheegtay in weerarka lagu gubay 6 gaari oo nooca dagaalka, laba kalena ay kusoo furteen, isla markaana Saldhiga la weeraray xubno ka tirsan iyaga kasoo qaateen hub iyo saanado melleteri.
Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli wax war ah kasoo saarin dagaalkii khasaaraha geystay ee ka dhacay deegaanka Jaziira ee duleedka Magaalada Muqdisho.