Magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Ereteriya waxaa uu shir uga socdaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ooqasho ku tegay iyo Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki.
Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlaya hannaanka kor loogu qaadi karo iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee labada dal, si loo dardargeliyo qorsheyaasha ku qotoma ganacsiga, maalgashiga iyo isku xirnaanta bulshada Gobolka.
Sidoo kale Madaxweyne farmaajo ayaa booqan doona Goobo ay dowladda Ereteriya ka fulineyso mashaariic kala duwan iyo meelo kale.
Waa booqashadii Saddexaad oo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku tago dalka Ereteriya, iyada oo kulan Saddex geesood ahaa ay dalkaasi ku qaateen Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki.