Madaxweyne Qoorqoor Oo Dib Ugu Laabtay Dhuusamareeb

0
132

Madaxweynaha Galmudug Maamul Goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta dib ugu  laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka  Galmudug kaddib safar shaqo uu ku joogay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Waxaana uu Magaalada Muqdisho  uu kaga qeybgalay shirarkii madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleredyada ee lagu go’aamiyay habraaca iyo hanaanka doorashada 2020-2021.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay Madaxweyne Ku Xigeenka GM, Guddoomiyaha Golaha Barlamaanka, Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Maamulka Caasimadda & qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sidoo kale waxaa Madaxweynaha soo dhaweyntiisa Qayb ka ahaa Bulshada ku dhaqan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta u ah Maamulka Galmudug.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here