Hawlgallo ay ciidanka nabad-sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ka sameeyeen xaafadaha magaalada Kismaayo ayaa lagu soo qabtay saddex ruux oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Shabaab kuwaas oo falal amniga lid ku ah ka waday Kismaayo.
Raggan oo fuliyay falalkii u dambeeyay ee ka dhacay gudaha magaalada iyaga oo u jeedkeedu ahaa khal khal gelinta ammaanka iyo waxyeeleynta shacabka sida uu sheegay taliska.
“Fashilinta iyo soo qabqabashada shabakadaan ayaa timid kadib markii ay ciidanka nabad-sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ay howlgallo xiriir ah ka sameeyeen xaafadaha magaalada Kismaayo” ayaa lagu yiri War kasoo baxay taliska.
Ciidanka Jubbaland ayaa howlgallo ka waday maalmihii lasoo dhaafay tan iyo markii Qarax Ismiidaamin lagu dilay Gudoomiyihii rugta Ganacsiga Jubbaland.