CC Shakuur Iyo Cabdiweli Gaas Oo Aragti Dhow Ka Yeeshay Doorashada 2020/21

0
151

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa Maanta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya marna soo noqday Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Kulanka dhexmaray C/raxmaan C/Shakuur iyo Cabdiweli Gaas oo ka dhacay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha Doorashada 2020/2021 oo bisha soo socota bilaaban doonto.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in isaga iyo Cabdiweli Maxamed Cali ay aragti isku dhow ka yeesheen hanaanka iyo natiijada doorashada intaba.

“Waxaan maanta kulanay RW hore ee xukuumadii kmg ahayd, ahaana madaxweynihii hore ee Puntland Dr C/weli Cali Gaas. Waxaan ka wada hadalnay doorashada 2020/21. Waxaa aragti isku dhow ka yeelanay hanaanka iyo natiijada doorashada intaba” ayuu yiri C/raxmaan C/Shakuur.

Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur ayaa horey ula kulmay siyaasiyiin, Mas’uuliyiin kala duwan iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ambasador James Swan, isagoona kala hadlay Doorashada 2020/2021 ee heshiiska rasmiga ahaa laga gaaray.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here