Xildhibaan Ka Baxay Guddigii Uu Magacaabay Guddoomiye Cabdi Xaashi

0
43

Iyadoo shalay Guddoomiyaha Aqalka Sare cabdi Xaasji Cabdullahi uu magacabay Guddi ka kooban 7 xubnood oo la socon doona doorashada Xildhibaanada ka imaan doona Gobolada Waqooyi ayaa waxaa ka hor yimid Magacaabistaas mid ka mid ah Guddigii la magacaabay.

Senator Cabdirisaaq Axmed Cali oo ka mid ahaa guddigaas ayaa sheegay in arrinta Magacaabista ay layaab ku noqtay uusana war ka haynin, waxaa sidoo kale uu sheegay in markii guddiga lagu darayay aan lagala tashan.

Odayaasha  kasoo jeeda Somaliland ayuu ku war galiyay in uusan wax lug ah ku laahyn howlaha uu wado guddoomiye Cabdi Xaashi, waxaana uu sheegay in uu waafaqsan yahay go aan kii kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka ee ahaa in guddiga doorashada Gobolada Waqooyi ay sii Magacaabi doonto Dowladda Federaalka. Iyadoo wada tashi la samaynaysa Siyaasiyiinta kasoo jeedda Somaliland.

hoos ka aqriso warqadda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here