RASMI: Lukaku oo ku guuleystay abaal-marinta ciyaaryahankii ugu fiicnaa tartanka Europa League

0
443

Xiriirka kubadda cagta yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay, magaca ku guuleystaha ciyaaryahankii ugu fiicanaa tartanka UEFA Europa League xilli ciyaareedkii tagay ee 2019/20.

Sida lagu shaaciyay bogga rasmiga ah Twitter-ka ee Europa League, Xiddiga reer Belguim iyo kooxda Inter Milan ee Romelu Lukaku ayaa loo magacaabay ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa tartanka xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Romelu Lukaku ayaa abaal-marintan ku garaacay xiddigaha Ever Banega iyo Bruno Fernandes, oo iyagana bandhig fiican sameeyay inta uu tartanka socday.

Romelu Lukaku oo kala qeyb qaatay kooxdiisa Inter Milan Lix kulan tartanka UEFA Europa League xilli ciyaareedkii tagay, ayaa dhaliyay 7 gool, wuxuuna caawiyay 2 gool kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here