Muxuu ka Yiri Zinedine Zidane guushii ay Real Madrid ka gaartay kooxda Real Valladolid??

0
155

Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay guusha ay ka gaareen xalay naadiga Real Valladolid.

Real Madrid ayaa si dirqi ah saddexda dhibcood kaga heshay kooxd Real Valladolid oo marti ugu aheyd garoonkeeda Alfredo Di Stefano, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada Isbuuca afaraad horyaalka La Liga kal ciyaareedkan 2020/21.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Zinedine Zidane kaddib ciyaarta waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waxaan leenahay dareen wanaagsan, waxaan ciyaarnay kulan adag, waxa ugu muhiimsan waa inaan dhibco helno, sababtoo ah waan fiicnaan doonaa”.

“Waan ka xanaaqsanahay kubbada aan ku lumiyay aageena, sbaba la xiriira isku dheelitir la’aanta, aad uma fiicneyn qeybtii hore ee ciyaarta”.

Intaas kaddib Zinedine Zidane ayaa wax laga weydiiyay isbadelka uu ku sameeyay safka ciyaarta, dhaawaca Eden Hazard, goolka Vinicius Jr iyo wax qabadka Thibaut Courtois, wuxuuna ku jawaabay:

“Had iyo jeer waan sameyn doonnaa ilaa ay wax si fiican u socdaan”.

“Eden Hazard waxa soo gaaray dhaawac cusub oo muruqa ah, mana garan karo inta uu maqnaanayo”.

“Vinicius Jr? Waan ku faraxsanahay inuu dhaliyay goolka iyo wixii uu sameeyay, waxaan u sameynay isbadalada si aan wax badan u helno, waana waxa ay sameeyeen ciyaartoydii bedelka ku soo gashay ee ka qeyb qaatay ciyaarta”.

“Thibaut Courtois wuxuu na badbaadiyey Isbuucii hore iyo sidoo kale maanta, waana sababta uu halkan inoola joogo”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here