Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa si rasmi ah ugu shaacisay saxiixeeda cusub ee Sergino Dest oo ay kala soo wareegtay Ajax, kaas oo ay kaga soo adkaatay Bayern Munich oo kula tartamaysay.
Sergino Dest oo u dhashay waddanka Maraykanka ayay Barcelona kusoo iibsatay 21 milyan oo Euro iyo 5 milyan oo Euro oo kale oo dheeraad ah oo ku xidhan bandhiggiisa iyo guulaha uu la gaadho, taas oo qiimihiisa gaadhsiin doonta illaa 26 milyan oo Euro.
Laacibkan ayaa qalinka ku duugay heshiis shan sannadood ah oo socon doona illaa June 2025, kaas oo lagu daray qodob caddaynaya qiimaha lagu burburin karayo haddii ay timaaddo koox damacda inay ka afduubayo, waana 400 milyan oo Euro.
19 jirkan ayay Barcelona xilli dambe ka hawl-gashay sidii ay ula soo saxeexan lahayd, si uu ugu buuxiyo booskii uu banneeyey Nelson Semedo oo toddobaad ka hor u wareegay Wolves, waxayna si xun ugaga soo guuleysteen saxeexiisa Bayern Munich oo markii hore u muuqatay inay gacanta ku dhigayso laacibkan.