“Ka tagista Gareth Bale ee kooxda Real Madrid waa talaabo u fiican qof walba” – Giggs

0
55

Tababaraha xulka Wales ahna halyeeyga kooxda Manchester United eeRyan Giggs ayaa sheegay in ku soo laabashada Gareth Bale ee naadiga Tottenham ay tahay talaabo faa’iido u leh qof walba.

Kooxda Tottenham ayaa si rasmi ah u shaacisay inay soo ceshatay xiddigeedii hore reer Weles ee Gareth Bale, kaasoo kaga soo dhaqaaqay naadiga Real Madrid, heshiis hal xilli ciyaareed oo amaah ah.

Xiddiga reer Wales ee Gareth Bale ayaa ku guuldareystay inuu bandhigiisa fiican ku joogteeyo kooxda Real Madrid, tan iyo markii uu ku soo biiray xagaagii 2013-kii, sidaas darteed go’aanka uu kaga tagay ayaa ahaa midkii ugu fiicnaa qof walba xagaagan.

Haddaba shabakada “Sky Sports” ee dalka England ayaa shaacisay wareysi uu bixiyay halyeeyga Ryan Giggs, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Gareth Bale wuxuu si joogto ah ula ciyaari doonaa kooxda Tottenham”.

“Waxaan u maleynayaa inay u fiican tahay isaga, Tottenham iyo guud ahaan Premier League, inuu helo qof sidan oo kale ah oo aan daawan karno toddobaad kasta”.

“Wuxuu ku sugan yahay koox uu sifiican uyaqaano, wuxuuna heystaa macalin aad u wanaagsan”.

“Waxaana qabaa inuu isagu qudhiisu sheegay inay la mid tahay sida inuu dib ugu soo laabtay gurigiisa”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here