Horudhac: Celta Vigo vs Barcelona… (Wax waliba oo aad uga baahan tahay kulanka caawa ay Blaugrana booqanayso Abanca Balaidos)

0
426

Barcelona ayaa isha ku haysa inay sii wado guulaheeda, iyadoo uu ka hoos ciyaarayo tababaraha cusub ee Ronald Koeman marka ay caawa u safraan Celta Vigo kulankoodii labaad ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Kooxda reer Catalan ayaa 4-0 ku xasuuqday Villarreal kulankoodii ugu horreeyay ee tartan rasmi ah oo uu hoggaamiyo kooxda macallin Koeman, laakiin Celta ayaa sidoo kale si xoog leh ku bilaabatay waxayna rikoor cajiib ah ku leedahay kulankan.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Taariikhda: Khamiis 01 Okt 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 10:30 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Abanca Balaidos

Garsooraha: Carlos del Cerro (Spain)

Wararka Kooxaha:-

Celta Vigo ayaa la filayaa inay u weecato saddex daafac si ay ula ciyaaraan Barcelona caawa.

Nestor Araujo ayaa laga yaabaa inuu soo galo daafaca dhexe, halka Kevin uu ka ciyaari karo garabka midig isagoo daboolaya booska Hugo Mallo.

Santi Mina ayaa laga yaabaa inuu ku soo bilowdo bilow dhif ah isla markaana uu weheliyo Iago Aspas, halka Brais Mendez laga doorbidi-karo Emre Mor oo gadaal ka ciyaara.

Dhinaca kale Ansu Fati waa inuu ka soo muuqdaa dhanka bidix ee Barcelona markale kaddib markii uu labo gool ka dhaliyay kulankii Villarreal.

Philippe Coutinho sidoo kale waa inuu sii wadaa inuu ka ciyaaro weerarka kooxda martida ah kaddib markii uu si wanaagsan ugu soo laabtay La Liga bilowgii todobaadkan.

Wax isbedel ah lagama filayo macallin Ronald Koeman kaddib markii uu si xooggan ku bilaabay tababaraha cusub ee howlaha gudaha, waxaana loo badinayaa inuu caawa la soo geli doonto garoonka isla shaxdii uu ku daaf furtay horyaalka La Liga fasal ciyaareedkan.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

>- Barcelona ayaa guuleysatay labadaba qeybood ee ciyaarta saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay marti ahaayeen (Away) horyaalka La Liga.

>- Kooxda Barcelona ayaa guuleysatay shan ka mid ah lixdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaareen horyaalka La Liga.

>- Celta Vigo ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool shan ka mid ah lixdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku soo dhoweysay Barcelona tartammada oo dhan.

>- Barcelona ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool shan ka mid ah lixdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday Celta Vigo dhammaan tartammada kala duwan.

>- Celta Vigo ayaa ku guuldarreysatay inay guuleysato sagaal ka mid ah 10-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka La Liga.

>- Celta Vigo ayaan la garaacin lixdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku qaabisay Barcelona tartammada oo dhan.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here