Halyeey kooxda Arsenal ah oo tilmaamay waxa uu u arko qaladkii dhimashada ee Mikel Arteta xilli ciyaareedkan

0
58

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Tony Adams ayaa xaqiijiyay in tababaraha Gunners ee Mikel Arteta uu ogolaa in la iibiyo goolhayihii bedelka u ahaa kooxda ee Emiliano Martinez.

Tony Adams ayaa tilmaamay waxa uu u arko inuu yahay goolhaayaha joogtada ah ee kooxda Arsenal ee Bernd Leno, taasoo ah inuusan ka mid aheyd kuwa ugu fiican horyaalka Premier League.

Wargeyska “Mirror” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay halyeeyga Tony Adams, wuxuuna yiri:

“Waxa uu Bernd Leno ku dhiban yahay ayaa ah kubaddaha sarre”.

“Arteta wuxuu yiri Bernd Leno waa goolhayaheyga koowaad aniga waana jeclahay waxqabadkiisa,wuxuuna kalsoonidiisa oo dhan siiyay isaga”.

“Laakiin uma maleynayo in Bernd Leno uu ka mid yahay afarta goolhaaye ee ugu fiican horyaalka Premier League”.

Tony Adams ayaa muujiyay aragtidiisa ah in goolhayahii ay iska fasaxday kooxda ee Emiliano Martinez uu mudnaa in la siiyo fursad uu ku muujiyo awoodiisa si uu u noqdo goolhaayaha joogtada ah ee Gunners.

Halyeeyga kooxda Arsenal oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu ka hadlay Emiliano Martinez oo u dhaqaaqay Aston Villa, wuxuuna yiri:

“Wuxuu ku fiicnaa Arsenal, aniga ahaan wuxuu ahaa goolhayaha 1-aad, laakiin Mikel Arteta wuxuu doortay goolhaye kale”.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here