Kooxda Manchester United oo la soo warinayo inay ku dhowdahay dhammaystirka saxiixa xiddiga Arsenal ee Maitland-Niles

0
408

 (Manchester) 30 Sebt 2020. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayanayaa inay ku dhowdahay saxiixa laacibka khadka dhexe ee Arsenal, Maitland-Niles.

Red Devils ayaa la rumeysan yahay inay la wareegeyso maalmaha yar ee suuqa ka haray xiddigan khadka dhexe uga dheela Gunners, kaasoo ay si deg deg ah ku soo gashay doonistiisa.

Sida uu warinayo Warsidaha Sport1 Manchester United ayaa diyaar u ah in kooxda ay ku xafiiltamaan horyaalka Premier League ee Arsenal ay kala soo wareegto xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka England ee Ainsley Maitland-Niles.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in heshiiska 80% uu dhacay, isla markaana lacagta ay Man United bixin doonto ay tahay 20 milyan oo gini oo u dhiganta 22 milyan oo euro ama 26 milyan oo dollar oo lagu daray gunnooyin.

Maitland-Niles, kaasoo kulankiisii ugu horreeyay u saftay xulkiisa ciyaartii ay ka horjeedeen xulka Denmark ee UEFA Nations League horraantii bishaan ayaa la la xiriirinayay kooxo dhowr ah xagaagan oo ay ku jirtay Wolves.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here