Go’aan laga soo saaray dacwad loo heystay mas’uuliyiin lagu eedeeyay burburinta masaajid

0
55

Maxkamad ku taalla Hindiya ayaa go’aamisay in wax danbi ah aanay gelin mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan xisbiga haya talada oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen dhacdo lagu burburiyay masaajid sanadkii 1992-dii.

Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee Hindiya LK Advani iyo hogaamiyeyaal ka tirsan xisbiga BJP oo kala ah MM Joshi iyo Uma Bharti ayaa beeniyay in ay ku dhiirigeliyeen shacabka Hinduuga inay burburiyaan masaajidka Babra ee ku yaallay magaalada Ayodhya.

Qalalaasihii ka dhashay burburinta masaajidka waxaa ku dhintay dad lagu qiyaasay 2,000.

Waxay tallaabadaas kamid aheyd dhaqdhaqaaqyadii siyaasadeed ee xisbiga garabka midig ee u jaanjeera Hinduuga.

Maxkamadda ayaa maanta wax dambi ah ku waaysay 32 qof oo kamid ahaa dadkii lagu soo eedeeyay dhacdadan, 17 qof oo kamid dadkaas ayaa geeriyooday xilli ay socotay dacwaddooda.

Maxkamadda waxay sheegtay in caddeymo buuxo aanan loo heyn arrinta ah in horey loo soo qorsheeyay burburinta masaajidka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here