Taliyaha CXD oo sheegay in howlgal lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

0
499

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa Howlgal Qorsheysan ka fuliyay  degaanka Leego ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Howlgalka uu ahaa Mid Qorsheysan ayaa Ciidanka Danab waxaa la sheegay inay ku dileen 7 Xubnood oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa Gudaha degaanka leego.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General Odowaa Yuusuf Raage oo la Hadlay Idaacada Ciidamada ayaa Sheegay In Ciidamada Danab ay dhaxe Howlgal Qorsheysan ka fuliyeen Degaanka Leego ee Gobolka Shabellada Hoose.

Generaal Odowaa Yuusuf Raage waxa uu tilmaamay in Howlgalka lagu Dilay ku dhawaad 7 ka tirsan Al-shabaab , isla markaana weli Ciidamada ay howlgallada wadaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here