Xildhibaan Odawaa oo sheegay Madaxweyne Farmaajo uu ku fashilmay doorasho qof iyo cod ah

0
55

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen oo ka mid ah Golaha Shacabka ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu si toos ah ugu fashilmay hoggaanka dalka, islaamrkaana Saddexdii sano ee lasoo dhaafay Shacabka been loo sheegayay.

Xildhibaanka ayaa codsaday in Madaxweyne Farmaajo uu horyimaado Golaha Shacabka si wax looga weydiiyo waqtiga la lumay Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu tilmaamay in aan loo baahneyn in baarlamaanka Soomaaliya uu ka taggo isla xisaabtanka.

Xildhibaannada labada Aqal ayaa loo qeybiyay nuqulka ansixinta heshiiska siyaasadeed ee doorashooyinka iyo codsiga Madaxweyne ee ansixinta heshiiskaas.

255 Xildhibaan ayuu ku furmay kulanka Xildhibaanada, waxaana goobta ku sugan gudoonka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Waxyaabaha laga doodaayo waxaa ka mid ah heshiiskii Siyaasadeed ee jiheynta Arrimaha doorashooyinka .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here