Maxaa looga hadlaya kulanka berri ee Golaha Shacabka?

0
139

Xildhibaanadda golaha shacabka ee barlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa maalinta berito ah  kulan ay ku yeelanayaan xaruntooda Ku meel gaarka ah ee Villa Hargeysa.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa xildhibaanada ku wargaliyay in ay soo xaadiraan kulanka oo dhici doona berri Duhurkii.

Ajendaha kulanka berri ayaa ah Wadatashiga Xildhibaanada ,maadaama lagu jiro kulamadii ugu dambeeyay.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa u dhiman bilooyin kooban, waxaana ay sheegeen in ay Shaqada sii wadi doonaan ilaa laga dhaariyo xildhibaanada 11.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta meel Mariyay Sharciga jiheynta doorashada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here