Madaxweynaha dalka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo khudbad ka jeedinayey shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa soo hadal qaaday arrimo ku aadan xaaladda Soomaaliya.
Geelle ayaa ugu horreyn boggaadiyey heshiiska ay doorashooyinka ka gaareen madaxda dowladda dhexe, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka inay taageeraan heshiishaas, si loo dhaqan-geliyo doorashada una dhacdo.
“Waa go’aan wanaagsan, dabcan Soomaalida oo isku madax bannaan ayaa heshiiskaas gaartay, waxa kaliya Qaramada Midoobay iyo Saaxiibada Soomaaliya waa in ay taageero garab istaag ah u muujiyaan si loo dhaqangeliyo una dhacdo doorashada Dalka” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti.
“Horumar dhanka ah ayay Gaareen Ciidamada Dowladda Federaalka, dabcan waxaa la howlgala oo garabsiinaya Askarta AMISOM, waa in la taageero Ciidamadaas si looga guuleysto Argagixisada” ayuu sii raaciyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Hadalkan Madaxweynaha Jabuuti ayaa ku soo aadaya, iyada oo maanta baarlamaanka Soomaaliya uu maanta cod-gelinayo heshiiska laga gaaray doorashada 2020/2021-ka.