Ciidamada DF oo sabab yaab leh u xiray odayaal caan ka ah gobolka Gedo, kadibna dalbaday kumanaan dollar

0
543

Wararka naga soo gaarayo gobalka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ay lacag baad ah weydiisteen saddex kamid ah odayaasha dhaqanka gobalka Gedo oo aad loo yaqaano, kuwaas oo muddo maalmo ah u xiran maamulka gobalka Gedo.

Odayaashaan laga qabtay degmada Beladxaawo ee gobalka Gedo kadib markii ay ka soo laabteen Caleema saarka Nabadoon Shukri Cusmaan Cali, oo ka dhacay Tuulada Makalaa oo hoos tagto degmada Garbahaareey ee xarunta gobalka Gedo.

Dadka xiran ayaa lagu kala magacaabaa Nabadoon Cumar Shide Guure, Nabadoon Maxamed Macalim Nuur iyo Nabadoon Macalim Sahal Cabdi, waxaana sababta xarigooda lagu sheegay in degaan ay joogaan Al-Shabaab ay uga qeyb galeen Caleema saarka Nabadoon Shukri Cusmaan Cali oo ay isku beel yihiin.

Ciidamada dowladda ee soo qabtay odayaashaan ayaa sidoo kale dhaawacay Xaliimo Cabdullaahi Warsame, oo ah Xaaska Nabadoon Cumar Shide, sida ay noo sheegeen qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee degaanka.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in odayaashaan hadda lagu haayo degmada Doolow ee gobalka Gedo, waxaana qofkiiba laga rabaa lacag dhan $1,500, waxeyna wadarta lacagta noqoneysaa $4,500. Dalabka lacagtaan ayaa la sheegay in ay dhiibteen ciidanka dowladda ee ku sugan degmooyinka Beladxaawo iyo Doolow oo odayaasha laga qabtay midna lagu haayo.

Qaar kamid ah ehalada dadka xiran ayaa Caasimada Online u sheegay in aysan awoodin lacagtaas islamarkaana ay arrintaasi sababtay in odayaasha ay maalmo badan sii xirnaadaan.

Maamulka gobalka Gedo ayaa ilaa hadda ka hadlin xarigga odayaashaan dhaqanka oo la sheegay in degaanada Al-Shabaab ay tagi jareen kana soo laaban jireen, arrintaas oo gobalka caadi ka ah maadaama ay dadka degaanka u badan yihiin xoolo dhaqato iyo beeraley  iyo dad kale oo reer guuraa ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here